Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Shirkad shisheeye oo Macdan baadhis ka wadda dalka

Hargeysa, 24 January 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti ka socday Shirkad ku hawllan baadhista Macdanta Somaliland.

Kulankaas laba geesoodka ah ayaa la iska xaal-waraystay halka ay marayso bilowga hawsha baadhista Macdanta Somaliland oo ay maalgelinayso Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mendesta, isla markaana ay fulinayso Shirkad kale oo la yidhaahdo Nobian Gold.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shirkadda u soo jeediyay inay wada shaqayn toos ah la yeelato Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo Qaranka uga mas’uul ah wixii ku saabsan dhinaca Macdanaha, isagoo intaas ku daray in sida ugu suurto galsan loo bilaabo hawlgalka baadhista Macdanta marka la helo natiijada tijaabada Macdanta Somaliland oo loo qaaday waddanka Kanada.

Dr. Tucker Barrie oo ah ku-xigeenka shirkadda Mendesta Group ayaa sheegay in shirkaddoodu ay si sharci ah u baadhi doonto Macdanta ku duugan Somaliland, waxaanu caddeeyay in hawlgalkoodii koowaad ay ku sahamiyeen Dhul qiyaastiisu gaadhayso Afar iyo Toban kun oo Killo mitir laba jibaaran oo ah deegaanka Waqooyiga Hargaysa.

Dr. Tucker, waxa uu tilmaamay in Macdano badan oo faa’iido lihi ay ku jiraan dhulka Somaliland, taas oo ay ku ogaadeen sida uu xusay tijaabooyinka qaybyada ah ee ay sameeyeen. Dr Tucker Barrie waxaa kale oo uu ka warramay qorshayaasha mustaqbalka dhaw ay Shirkaddoodu ka fulin doonto gudaha Somaliland.

Maxamed Cumar Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda fulinaysa hawshan ee Nobian Gold ayaa shaaciyay in tijaabooyinkii loo qaaday dalka Kanada natiijooyinka ka soo baxay dhawaan waddanka la keeni doono isagoo u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaajinta Mashruucan.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net