Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Golaha Deegaanka Boorama

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

 

Boorama(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa kulan la qaatay golaha deegaanka ee Boorama, kulankaas oo uu ugu gudbiyay dardaaran iyo sidii ay degmadooda ugu shaqayn lahaayeen.

waxaana kulankaas oo saacado qaatay ugu horayntii ka hadlay maayarka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waxa sharaf balaadhan noo ah oo aanu u mahadnaqaynaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isaga oo u kuurgalaaya xaalada degmada, xilka waxaanu haynay mudo laba bilood ah intaasna dib u dhis ayuunbaanu ku jirnay, waxqabadkayaguba waa labadaas fasal ee aanu dhisnay,gaadhi aanu degmada aanu u iibinay iyo hal cagaf iyo shaqaalaha oo afar bilood oo mushahar ah lahaa oo aanu siinay.”

madaxweyne kuxigeen Cabdiraxmaan Saylici oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“waxaan doonayay inaan u kuur galo xaalada degmada iyo inaan idinku guubaabino degmada laydiin doortay iyo umadda sidii aad uga shaqayn lahaydeen, runtiina waanu kala warqaadanay waxaanan idinku guubaabinaynaa umaddaas idin soo dooratay ee kitaabka gacanta u saarteen inaad si cadaalad ah ugu shaqaysaan oo aad u xaqsoortaan, idinka oo gacmaha is haysta aad dakhligiina kor u qaadaan oo aad la tartantaan degmooyinka kale, dadka wax kale ma gaadhsiin kartaan ee cadaalad uunbaad gaadhsiin kartaan, amrkaas kor u qaada nadaafada,waxbarashada iyo biyahaba.”