Madaxweyne Ku -xigeenka oo ka Warbixiyay xaalada Abaaraha Gobolada Awdal iyo Selel caalamkana baaq u diray


Hargeysa (SLpost) -Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah guddoomiyaha abaaraha oo safar  indho-indhan ah u tagay goboladda galbeedka Somaliland, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,  waxaanu caalamka iyo bulshadda ku booriyey inay gurmad u fidiyaan dadkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenku markii uu dalka dib ugu soo laabtay ayuu shirjaaid ku qabtay gurigiisa waxaanu meesha caalamka ka codsanay inay gurmad degdeg ah la soo gaadhan dadka ku dhaqan goboladda galbeeda isagoo arrimaha ka hadalay wuxuu yidhi  “ Waxaan ka bilaabay safarkan dhinaca galbeed ee gobolka Awdal ilaa Gobolka Selel oo aan soo maray tuulooyin aad u badan, waxaana hadana dib safar kale u galnay bariga gobolka Awdal, deegaanadda aan maray oo sodan goobood ahayd oo Awdal iyo Selelba iskugu jiray, toban goobood ayey dadkii xooluhu ka dhamaadeen ay ku soo qaxeen, kuwaas oo u baahan hoy, biyo iyo goobo caafimaad oo lagu kordhiyo kuwii hore ugu jiray”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo mudd afar cisho ku maqnaa qiimeynta xaaladda nololeed ee deegaanadaasi ka  jira waxaanu hadalkiisii sii raaciyey “Waxaan bulshadda iyo caalamkaba ugu baaqaynaa in dadkaasi loo gurmado oo aan dib wax loogu dhigan.”

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu  sheegay in abaartaasi afar jirsatay oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey aanay helin wax roob ah, iyagoo meelaha qaarkood aad ku arkaysay dadkii oo xoolihii iskaga tagay ka dib markii ay noloshoodii ku adkaatay xoolihiina u socon waayeen. Sidoo kale,w axa uu madaxweynuhu sheegay in xoolihii ay u dhamaadeen gaajo iyo oon, halka caruurtii iyo dadkii waayeelka ahaa nafaqo daro hayso, una baahan yihiin gurmad dhinaca nolosha ah.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in laba gaadhi oo raashin ah oo ay sideen u qaybiyeen meelihii aan hore loogu qaybin ee buuralayda ah, waxa kale oo uu sheegay in baaqii uu madaxweynaha Somaliland diray uu ka soo jawaabay madaxweynaha Jabuuti oo deeq mucaawimo ah soo gaadhsiiyey dadkan abaaruhu halakeeyeen iyo dadyow kale oo raashin badan u keenay dadkaasi.

Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey wasiirka xanaanadda Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, wasiirka Dib u dejinta Cabdirisaaq Cali Cismaan, Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda Cali Xaamud Jibril, la taliyaha madaxweynaha bariga Sahal Maxamed Jaamac.