Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ku Biiray Saaxadda loolanka Hoggaanka Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye oo loolan adag loogu Jagooyinkiisa u sarreeya.

Md Cabdiraxmaan Saylici oo wakhtigan ah Guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee Kulmiye, ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye, oo uu hadda hayo Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo shalay caddeeyay inuu u tartamaya Guddoomiyaha xisbiga iyo Musharax Madaxwaynaha.

saylici111Madaxwayne ku xigeenka oo caawa u warramay warbaahinta qaarkeed, waxa uu sheegay in si kasta oo xaalada xisbigu tahay, haddana isagu uu u taagan yahay Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, inkasta oo uu sheegay inaanu sheegi Karin wakhtiga shirwaynuhu dhacayo.

Xilka uu sheegay in Madaxwayne ku xigeenku u tartamayo ayaa waxa maanta isugu sheegay inuu u tartamayo Cabdikariin Xinif oo ah Agaasime Waaxeedka Maamulka ee Komiishanka la dagaalanka Aydhiska.

SOMALILANDPOST.NET