Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay Arday ka qalinjabisay Jaamacadda Hargeysa +Sawirro

Hargeysa(SLpost)Madaxwayne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland  Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Shahaadooyin  Guddoonsiiyay dufcadii koowaad ee ka qalin-jabisa Jaamacada New Generation faraceeda Magaalada Hargaysa oo dhan sagaal iyo konton arday.

Ardayda maanta qalin jabisay ayaa waxa ay ka baxeen afar kuliyadood oo ka mid ah kuliyada jaamacadaasi ka kooban tahay waxaana munaasibadan ay ku qalin jabiyeen loogu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan waxa ka soo qayb galay oo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Wadani , Wasiiro Xukumada Ka Tirsan, Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya , Wafti ka socda itoobiya oo uu hor kacayo Madaxweynaha Guud ee Jaamacada New Generation , Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland , Maamulka Jaamacada Ee Hargaysa , Waalidiin Iyo Marti Sharaf Kale.

Madaxweynaha Jaamacada New Generation Faraceeda Magaalada Hargaysa Muuse Aadan Axmed oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadu isagoo xusay in maanta ay jaamacada ka qalin jabinayaan dufcadii koowaad oo dhan sagaal iyo konto arday(59 Arday) oo ka baxay afar kuliyadood oo kala duwan kuwaasi oo mudo saddex sanadood ah wax ka baranayey jaamacada New Generation Faraceeda Magaalada Hargaysa.

Mulkiilaha Jaamacada New Generation Faraceeda Magaalada Hargaysa oo Isna Halkaasi ka Hadlay ayaa Sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in jaamacada New Generation ay Maanta  ka baxaan arday uu muddo badan ku soo tabcayey kuwaasi oo hormood ka noqon doona  hanaanka diblamaasiyadeed ee wadan , waxa kale oo uu xusay in jaamacada New Generation ay kor u qaaday magaca Somaliland ka dib markii isla ardayda Munaasibada qalin jabinta loo qabtay ay ku soo qalin jabiyeen xarunta Midowga afrika ee Addis Ababa iyagoo wata magacii iyo milgihii wadankooda Somaliland .

N1 n2 n3 n4 n5 n6 n7 n8 n9 n10 n11 n12
Waxa ugu danbayntii mulkiilaha Jaamacada New Generation faraceeda Magaalada Hargaysa U Mahadnaqay Ardayda Maanta Ka Qalin Jabisay Jaamacada Oo Uu Ku Tilmaamay Kuwa Suurta Galiyey in horumar la talaabsan karo ay gaadho jaamacada New Generation qaybta hargaysa isla markaana hadafkii uu aas-aaska jaamacada ka lahaa uu ahaa  sidii ay Jaamacadu u soo saari lahayd arday aqoontooda lagu kalsoon yahay taasna uu ku guulaystay .

Madaxweynaha Guud Jaamacada New Generation Mr Matt You oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in uu aad ugu farax-san yahay ka soo qayb-galka ardayda maanta ka baxaysa kuliyadaha kala duwan ee jaamacada New Generation isagoo sheegay in ardayda maanta qalin jabinaysaa ay noqon doonaan kuwo isku xidha labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya

Cabdi Doolaal oo ah La taliyaha Khaaska Ah Ee Wasarada Arimaha Dibada Dawlada Ethiopia oo isna halkaasi hadal ka jeediyey  ayaa Tilmaamay Inuu Maanta Aad Ugu Faraxsan Yahay ka  Soo Qayb galka qalin jabinta Ardayda maanta ka baxaysa qaybaha kala duwan ee Jaamacada New Generation Qaybteda Magaalada Hargaysa Isla markaana ardayda qalin jabisay ku hambalyeynayo in ay  gaadheen Qayb ka Mid Ah hadafkoodii ay mudada  Ku Raad Joogeen  isagoo  Ku Guubaabiyay Inay Aqoontooda halkaasi ka Sii Wataan .

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Jsl Md Maxamuud Axmed Bare garaad ayaa dhiciiisa   tilmaamay Faaida Barashada Aqoontu U Leedahay  Aadamaha , isagoo wasiirku ka sheekeeyey Marxaladii ay ku sugnaayeen xiligii ay waxbaranayeen isaga iyo inta la da,da ahi isagoo Dhanliyarada kala dar-daarmay Tahriibka Una mahad Celiyay Arday iyo Maamulka Guud Ee Jaamacada New Generation .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha Cali Maxamed Waran Cade ayaa isna ardayda qalin jabisay ku hambalyeeyey dadaalka dheer ee ay u soo galeen ka midho dhalinta qayb ka mid ah hayaan nololeed ee ay ku jiraan, halka   dhinaca kalena Uu  Mahadnaq u jeediyey Maamulka Jaamacada New Generation , Wasiirka Arimaha  Gudaha Somaliland waxa uu ku dheeraaday xidhiidhka labada dalka ee Somaliland iyo Itoobiya iyo  oo uu ku tilmaamay midka suurto galiyey in labad dal ay is waydaarsadaan aqoonta iyo cilmiga ay is dheer yihiin .

Guddoomiayaha Golaha Wakiilada Somaliland Isla Markaana Ah Guddoomiayaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani ayaa  isna soo dhaweeyay ardayda Qalin Jabinaysa iyo Dhamaan Ardaydii kale Ee Ka Baxay Jaamacadaha kala Gadisan Ee Dalka , waxanu tilmaamay inuu Maanta Aad ugu Faraxsanyahay inuu Aradaydan jaamacada New Gerenation Kala Qaybgalo Xafladooda.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada JSl Md Xirsi cali Xaaji Xasan Ayaa u Mahad Naqay Ardayda Dhamaysatay Culuumta kala duwan Isla Markaana Qaadanaysa Shahaadadooda Koowaad Ee Digriiga,  Wasiirka Madaxtoonyada Jsl waxa kale oo  Uu ka Hadlay Sidii layskaga Kaashan lahaa horumarka Dalka iyo Sidii tabarucaad Looga gaysan lahaa Wadada Isku Xidhaysa Magaalooyinka  Burco Iyo  Ceerigaabo Ee Gobolada Togdheer  iyo Sanaag waxaana uu sheegay In Cid kasta oo mushahar ka qaadata dawlada laga jari doono tabarucaadka wadadaasi ka dib marka ay xukumada kordhiso mushaharka ay qaataan shaqaalaha dawladu .

Gabagabadii Waxa halkaa Ka Hadlay  Madaxwayne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland  Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  oo sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ka qayb galo Munaasibad lagu Maamuusayo Dufcadii koowaad ee ka qalin jabisa Jaamacada New Generation isla markaana ay muhiimaduna tahay in la barto aqoonta iyo cilmiga  maadaama oo horumarka wadan gaadho laga halbeeg qaato halka ay taagan tahay aqoonta dadka.

Ugu danbayntii Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Waxa uu Mahad Balaadhan U Gudbiyey Maamulka Iyo Ardayda Jaamacada New Generation Isagoo ardaydana kula dardaarmay inay halkaasi ka sii wadaan Aqoontooda waxbarasho  iyo sidii ay u gaadhi lahayeen aqoon intan ka saraysa Maadaama oo aanay aqoontu dhamaan .

Xafladan oo si wanaagsan loo Soo Agaasimaya Ayaa waxa kale oo ka hadlay Safiirka Somaliland u fadhiya Somaliland gabagabadiina Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyey ardayda ka Qalin jabisay Jaamacada New Generation Qaybteeda Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

Hargeysa