Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xaflad Loo Qabtay Dufcadii 10aad Ee Ka Qalin-jebiysay Jaamacadda ADMAS

Hargeysa (SLpost)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay 607 (Lix boqol iyo todoba) arday oo ka qalin-jebiyay Jaamacadda Admas Universaty Collage faraceeda magaalada Hargaysa.

Admas 2018 (1)Munaasibadda oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay kana soo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ka socota dawladda Somaliland iyo axsaabta qaranka ayaa waxa halkaasi si wayn looga xusay muhiimadda ay waxbarashada iyo aqoontu u leedahay aadamaha.

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda soo gaadha.

Admas 2018 (2)Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay, waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyneku-xigeenka “Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku anfacdaan, mid waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Admas 2018 (2)Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada baranayeen iyadoo ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.

https://youtu.be/OrPCW2eTSMQ