Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Baaq u diray hay’adaha Miino-baadhka ee Dalka ku sugan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil, ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay wakhtigan roobabka ka taxaddaraan halista walxaha Qarxa oo roobabku soo saari karaan.

Md Cabdiraxmaan Ismaaciil oo munasibadda maalinta Miinada Adduunka iyo Wacyigelinteeda oo ku beegan Afarta Bishan April hambalyo u diraY dhammaan shaqaalaha Miinada iyo Walxaha Qarxa, waxa uu ugu baaqay hay’adaha ku hawlan la dagaalanka Walxaha Qarxa inay sii kordhiyaan dedaalkooda ku aaddan hawl-gallada ay dalka ka fuliyaan ee Miino-saarka.

saylici111Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada oo ku beegan 4 April 2013 awgeed.

Sidaad la socotaan 4th April 2013 waa maalinta miinada adduunka iyo wacyigelinteeda, sidaa darteed marka hore waxaan hambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa ku howlan sifeynta miinada ee ka shaqeeye dhamaan gobolada dalka.

Hambalyadaa ka dib, sidaad la socotaan Marxalado kala duwan ayey Somaliland soo martay iyada oo la tacaaleysa dhibaatada ay miinadu ku haysay nolosha iyo horumarka Somaliland.

Maanta waxaa ah wax lagu faano sida habsamida leh ee ay hawlaha wax-kaqabadka miinadda ay u socdaan  kuwaa oo ay gacanta ku hayaan hay’addaha  kala ah SMAC, HALO Trust, Police EOD, NDA , DDG iyo Olive group oo iyana horkacaya shirkada shidaalka ee (Genel energy)  oo runtii si xowli ah u wada hawlaha waxka qabadka miinada iyo walxaha qarxa.

Siyaasada dowladda Somaliland waa in la dhiiri geliyaa wax ka qabadka miinada iyo walxaha qarxa si loogu talaabsado horumar deg-deg ah uguna dhiiradaan muwaadiniinta iyo ajaanibka daneynaya in ay maalgashadaan Somaliland.

Waxaan dhamaan bulshaweynta Somaliland uga digayaa xilligan roobabka  in ay aad uga taxadiraan miinada iyo walxaha qarxa oo laga yaabo in ay soo saaraan daadku ama soo qaadaan dooxyadu  iyaga oo ka soo qaadaya meel ay hore ugu aasneyd keenayana meel kale, haddii ay arkaan waxaanay garaneyn hala xidhiidhaan hay’addaha ku howlan miinada ama saldhig police halka ugu dhow.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan hay’adaha  aan soo sheegay in ay kordhiyaan  ama laban-laabaan shaqadooda si aan deg-deg u soo gaba-gabeeyno Hawlahaa miinada, una dhiirigelino horumarkan xawliga ku socdaa ee wadankeena Somaliland.

Waxaan kaloo soo dhoweynaynaa hay’ad kastoo caalami ah oo wax nagala qaban kareysa howlahaa miinada iyo walxaha qarxa si aan xilli dhow u soo gebogabeyno Miinada dalka ku jirta.”

SOMALILANDPOST.NET