Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Dalka Kenya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayli), ayaa Dhambaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta oo Maanta loo Caleemo saaray Xilka Madaxweynanimo ee Dalka Kenya.

saylici+awdalMadaxweyne  ku Xigeenku waxa uu Dhambaalkiisa ugu hambalyeeyay Mudane Uhuru Kenyatta xilka Madaxnimo ee ay u doorteen shacbiga  reer Kenya, waxaana uu tilmaamay in labada Shacbi ee Somaliland iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Mudane Saylici waxa kale oo uu dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta  uu ku faah-faahiyay in Dalka Kenya ay ku nool yihiin Jaaliyad balaadhan oo asalkoodu uu  ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalana ay Dalka Somaliland ku nool yihiin Jaaliyad reer Kenya ah oo ka ganacsata kuna dhaqani dalkan Somaliland.

Madaxweyne ku Xigeenka  ahna  ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo dhambaalka uu diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xusay in uu rajaynayo  in hogaaminta cusub ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay kor usii qaadi doonto sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada Umadood iyo labada Dawladood ee Somaliland iyo Kenya.

ALLAA MAHAD LEH

 Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.