Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Dhagax-dhigay Bilowga Mashruuc Malaayiin Dollar Ku Kacaya Oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu Fulinayso

????????????????????????????????????

Xidhinta (SLpost) – Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta Dhagax-dhigay Mashruuc muddo dheer soconaya oo Wasaaradda Horumarinta Beeruhu ka fulinayso deegaanno ka mid ah Gobolka Gabiley.

Mashruucan oo ku kacaya Lacag gaadhaysa 10 Milyan oo uu Baanka Horumarinta Jarmalku ugu deeqay Somaliland, ayaa waxa munaasibadda lagu dhagax-dhigay waxa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Madaxa Wasaaradda Beeraha u qaabilsan Mashruucaasi Ibraahim Carab Ceelaabe, Badhasaabka Gobolka Gabiley, Isku-duwaha Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Beeraha iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.

????????????????????????????????????

Mashruucan oo ah mid Dhul-beereedka loogu samaynayo Biyo-qabatino ama Gabyenno iyo Carro-celin.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey Mashruucaasi, waxaanu sheegay in Mashruucan oo ku kacaya Lacag gaadhaysa 10 Milyan Dollar loogu talo-galay in Biyo-qabatino loogu sameeyo Beeralayda isla-markaana Carro celin lagu sameeyo, si wax soo-saarka Dalagyada Beeraha kor loogu qaado.

Mudane Seed, waxa uu Mahad-celiyey Baanka Horumarinta Jarmalka ee Magaciisa loo soo gaabiyo KFW oo Somaliland ugu deeqay Dhaqaalaha ku baxaya Mashruucan oo muhiim u ah Wax soo-saarka Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Mustaqbalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo isaguna dhagax-dhigay bilowga Mashruucaasi, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin in Lacag intaasi leeg lagu taageero Somaliland, si wax loogaga qabto dhul-beereedyada u baahan in Biyo-qabatino iyo Carro-celin loo sameeyo.