Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha UCID oo Madal Lagu Marti-qaaday Isku weeraray

 

Boorama (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa weedho kulul oo weerar iyo is-difaacis ah isku weydaarsaday madal ay kaga qayb-galeen munaasibad lagu marti-qaaday.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey munaasibad Qalin-jabin ah oo ku qabsoontay magaalada Boorama, ayaa xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyey inay sharcigii dalka u yaallay ee kala hagayey hay’adaha siyaasiga ah ka tallaabsatay sidaas awgeedna ay mucaarad ahaan ku baaqayaan shir qaran oo aayaha dalka lagaga tashanayo haddii xukuumaddu u hoggaansami weydo dedaallada waan-waanta ah ee ay ku jiraan Guddiga Dhexdhexaadinta ka dhex-wadda mucaaradka iyo xukuumadda.

Eedaha Guddoomiyaha UCID u jeediyey Xukuumadda waxa ka jawaabay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo labadooduba ka hadlay munaasibadda.

Hadalladii madasha laysku weydaarsaday, kaga bogo muuqaalkan Hoose