Madaxweyne ku-xigeenka oo Xadhigga ka jaray Xarunta Shirkadda Samsung oo laga Daah-furay Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhigga ka jaray Xarun Cusub oo shirkadda Caalamiga ah ee Samsung ku yeelanayso Somaliland, taas oo ay dalka keentay shirkadda Shirakadda Dahabshiil Group.

Munaasibadda shaacinta daah-furka shirkadda oo ku qabsoontay Hotel Damal ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan masuuliyiin dowladda ka tirsan, xubno ka socday Axsaabta siyaasadda, Maamulka shirkadda Dahabshiil Group, Aqoonyahan iyo marti-sharaf kale.

Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Shirkadda Samsung oo ka mid ah Shirkadaha ugu caansan dunida, ka xukuumad ahaana ay door weyn siinayaan maalgashiga iyo horumarinta wax kasta oo dalka iyo dadka dan u ah. Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu Shirkadda Dahabshiil Group iyo Mulkiilaheeda Maxamed Siciid Ducaale uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay Bulshada ugu jiraan, shirkadanina ay tahay mid wax weyn ka beddeli doonta horumarka waddanka.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

https://www.youtube.com/watch?v=PxDii3Ul_0Y

 

Daawo Sawirrada Munaasibaddii lagu daah-furay shirkadda Samsung Somaliland