Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Warbixiyay Socdaal Wefti Uu Hogaaminayaa Ku Tageen Dalalka Waqooyiga Ameerika

Hargeysa, (SLP)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ugu dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa ka warbixiyay natiijada socdaalkaas, ka dib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay.saylici+awdal

Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inuu socdaalkaas weftiga uu hogaaminayay ay ku tageen afar gobolka oo ka mid ah dalka Mareykanka, isla markaana ay kulamo la yeesheen jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan halkaas, waxaanu xusay inay si balaadhan ay u soo dhaweeyeen jaalliyadahaasi, iyaguna ay uga warameen xaaladda guud ee dalka. “Waxaanu  socdaal ku tagnay waqooyiga Ameerika oo ah Mareykanka iyo Canada, ujeedada ugu weyn ee aanu u tagnayna waxay ahayd inaanu soo xog-wareysano ama aanu dalka uga warrano jaalliyada reer Somaliland ee degan labadaa waddan, runtii waxaanu isku hawlnay inaanu gaadhno gobollada ay jaalliyada reer Somaliland ee ugu badani degan yihiin, markaa Mareykanka waxaanu marnay afarta magaalo ee aanu is-lahayn jaalliyadaha ugu badan ayaa degan yihiin oo kala ah caasimadda dalka Mareykanka ee Washington, Minneapolis, Seattle iyo Ohio Columbus, halkaa runtii waxaanu kula kulanay jaalliyad aad iyo aad u qiimo badan oo muwaadiniin ah oo si sharaf leh noogu soo dhaweeyay. Anaguna dalkaanu uga warranay iyo xaaladihii taagnaa, iyaguna wixii talo iyo tusaale ah ee ay noo soo dhiibayeen waanu kasoo qaadnay. Waxa kale oo aanu ka hawl-galnay sidii ay isugu duubnaan lahaayeen ee dalka curdinka ah ee himillada dheer wata siduu qaran u noqon lahaa looga shaqayn lahaa.” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenku.

Sidoo kale waxa uu ka warramay madaxweyne ku-xigeenku socdaalkii ay weftigiisu ku gaadheen dalka Canada waxaanu yidhi. “Waxaanu u gudubnay Canada oo markii hore qorshehayagu ahaa labada magaalo ee ugu waaweyn ee Ottawa oo caasimadda ah iyo Toronto, balse waxa kale oo aanu tagney oo na casuumay jaalliyada degan gobolka Alberto oo gobol cusub ah, wixii khilaaf yar yar ahaan waxaanu kusoo dhamaynay shir doceedyo, waxaananu ku dardaarnay inay isku duubnaadaan oo aanay mucaarad iyo muxaafid isku kala qaadin.”

Somalilandpost.net