Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

????????????????????????????????????

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Deegaanka iyadoo xafladan lagu adkaynaayey maalinta deegaanka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiiro badan oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku, sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay Wasiirka Deegaanka  Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare kuna dheeraatay xuska iyo qiimaha ay leedahay maalinta deegaanku iyadoo ka warbixisay siday ka wasaarad ahaan uga hawl galeen ilaalinta iyo dhawrista deegaanka , Wasiirku waxay ku soo dhawaysay Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Madaxweyne ku xigeenkuna waxa uu halkaasi hambalyo uga diray cid kasta oo ku hawlan ilaalinta deegaanka, gaar ahaana wasaaradda deegaanka oo mudooyinkii u danbeeyey ku hawlan ilaalinta iyo dhawrista deegaanka xilweyna iska saartay.

Somalilandpost.net