Madaxweyne Ku-xigeenka oo ka Qayb-galay Kulan loogu baroor-diiqay Abwaankii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeeka Somaliland Md Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  Maanta ka qayb galay  munaasibad loogu baroor diiqayay alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac  Gaariye,taas oo  lagu Qabtay Hotelka Maan soor ee Magalada Hargaysa.

Kulankan waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye,Wakiilka Somaliland ee Wadanka Norwey, Xubno ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalkaasi iyo Marti sharaf kale .

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Shakhsiyada Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo uu ku sifeeyay halyay qaran oo qayb libaaxle ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta wadanka,Taabo gelinta Nabadgalyo cago adag ku taagan,dhismaha nidaamka dawladnimo ee aynu maanta ku naaloonayno,tisqaadka dimuquraadiyada ay Somaliland raacday iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee aynu ku talaabsanay.

Madaxweyne ku xigaynka JSL  Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in rabi ha u naxariistee Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye,inuu ahaa shakhsi aan si fudud lagu iloobi Karin isla markaana taariikhda baal dahab ah ka galay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland wuxuu Marxuunka Eebe uga baryay inuu naxariistiisa balaadhan ugu deeqo qoyskii iyo Guud ahaan umada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo .

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net