Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Hadlay Shirkii Ay Salaadiintu Ugu Baaqeen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Ugu Jira Awdal

Hargeysa  (SL.Post) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay shir ay Madaxdhaqameedka gobolka Awdal ugu baaqeen Xildhibaanada gobolka Awdal ugu jira Golaha  Wakiillad, kaas oo nuxurkiisu yahay inay mudanayaashu iskugu yimaadeen magaalada Boorama.

 

 

Saylici

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Waxaan ka yara xumahay ama aan dareen la qaatay ka raalli-gelinayaa ummadda reer Somaliland Odayaasha reer Awdal ee hadlay inaan loo arkin inay ka xun yihiin Walaalohooda soo biiray ee reer Sool ee dalka iyo dadka ku soo biiray ee Qarannimada Somaliland soo dhammaystiray.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka oo ka qayb-galay munaasibad loo qabtay  Arday ka qalin-jabisay Jaamacada GOLIS

 

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay waxa, uu yidhi  “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsannahay oo aan ummadda reer Somaliland ugu bushaaraynaynaa inay Walaaleheennii muddada 25-ka sano ah innaga maqnaa ay maanta garteen dadkoodii iyo dalkoodii Somaliland inay wax la yeeshaan oo ay dhib iyo dheefba nala qaybsadaan oo aad la socotaan shirarkaa kala dambeeyey ee kan u dambeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Markhaati ka ahaa, Guddoomiye Faysal-na la joogay.”.

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu intaas raaciyay “Anigoo maanta ah hoggaamiyihii guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna ah hoggaamiye ka soo jeeda reer Awdal aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay Qaranka soo dhamaystirmay iyo ummadda reer Sool ee maanta gartay inay dadkoodii iyo dalkoodii wax la dhistaan, aad baanan u soo dhawaynaynaa.”

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa