Madaxweyne Ku-xigeenka oo Jawaab uu ka bixiyo u waayey su’aal laga weydiiyey Cabsida Wasiirrada xukuumaddu ka qabaan hadday Mabda’ooda caddeeyaan inay maraan jidkii Dr. Maxmed Cabdillaahi xilkiisa ku waayey {Dhegayso}

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay 23-xubnood oo ka tirsan Guddiga fulinta Xisbiga KULMIYE oo Wasiirro u badan ay maanta ku qabteen hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa tahli kari-waayey inuu jawaab ka bixiyo su’aal laga weydiiyey in Wasiirrada Xukuumaddu shaqaqooda ku ilaashanayaan inaanay Afkaartooda sheegan karin SI aanay ku dhicin sababtii Xilka lagaga Qaaday Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah.

IMG_6892Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa markii uu su’aashaas ka jawaabi kari waayey isaga riixay  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka mid ahaa Wasiirrada su’aashaasi ku socotay.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo la weydiiyey su’aalo la xidhiidha Xisbiga iyo nidaamka maamul ee xukuumadda, waxaanyu ka hadlay Kalsoonida uu ka qabo inuu Xisbiga Kulmiye u metelo ama jagada madaxweyne ku-xigeenka iska garab-sharaxo murashaxnimada madaxweyne Siilaanyo.

DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa