Madaxweyne Ku-xigeenka oo Jaaliyadaha Somaliland ee Qaaradda Yurub ku Hambalyeeyay Sida ay Qaddiyaddooda Qaranka u soo bandhigeen

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka, ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan qaaradda Yurub oo maanta banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay qadiyada Somaliland ka dhigay xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

sayliciSidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan: “Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic) waxa uu Dhambaal Mahad-naq iyo Bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool Qaaradaha Yurub oo Maanta Banaan-bax aad u balaadhan ka hor dhigay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxa uu Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Wadamada Yurub uu ku Ammaanay sida Geesinimada iyo Sharafta badan ee ay isugu soo baxeen Banaanbaxaas muhiimka ahaa ee lagu taageerayay Xaqa ay Jamhuuriyada Somaliland u leedahay in la aqoonsado.

Madaxweyne ku Xigeenka ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo uu Jaaliyada reer Somaliland ee Qurbaha ku nool uu ku ammaanay kaalinta Muhiimka ah ee ay kaga jiraan Horumarinta Dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo waliba dedaalkooda ku saabsan sidii ay Dunida ugu qancin lahaayeen in ay Aqbasho Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland oo ah mid Muqaddas ah oo aan gor-gortan gali Karin. waxa kale oo Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku Simaha Madaxweynuhu uu ugu baaqay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka debadiisu inay gacamaha is qabsadaan siina laban-laabaan dedaalkooda ku aadan Horumarinta Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah.”

SOMALILANDPOST.NET