Madaxweyne Ku-xigeenka oo Daah-furay Shirweynaha Tiknoolajiyadda Somaliland iyo Doorka Wasaaradda Isgaadhsiinta

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa isla-markaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkadaha waa weyn ee Isgaadhsiinta Waddanka iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada, muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa la isku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay u soo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka.

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobbo muhiim ah oo guul u ah Qaranka.

Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod ku soo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi ku soo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan.