Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Weftigiisii oo ku soo laabtay caasimada Hargeysa

Hargeysa, (SLpost)– Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  iyo Weftigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayay ayaa maanta ku soo laabtay caasimada Hargeysa ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo qaatay muddo sadex maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Boorame eexarunta Gobolka  Awdal.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu saaka soo dhagax dhigay laba wado oo cusub oo dawlada Hoose ee Boorame ay ka hirgelinayso magaaladaasi kuwaasi

Madaxweyne Ku xigeenka waxa boqolaal qof ay si diiran ugu soo dhaweeyeen degmada Dilla ee gobolka Awdal kuwaasi oo uu kala hadlay meel fagaare ah.

Md. C/Raxmaan Saylici oo ka hadlay dhagax dhiga wadooyinkaasi waxa uu sheegay inuu dawlada Hoose ee Boorame ku ammaanayo dedaalka isa soo taraya ee la xidhiidha wadooyin badan oo laami ah oo uu tilmaamay inay ka hirgelisay gudaha Magaalada, waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay kaalin ka qaataan kharashaadka lagu dhisayo wadooyinkaasi.

“Waxaan u soo jeedinayaa reer Boorame iyo guud ahaan shacbiga Gobolka Awdalba in gobolada dalka oo dhan uu ka socdo tartan loogu jiro horumarinta adeegyada bulshada, waxaan ku rajo weyn nahay in bulshada gobolku ay kaalin mugleh ka qaataan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha wadooyinka

Iyo baahiyaha kale ee bulshada,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku waxaanu intaasi ku daray “Waxaan filaya a in bulshada gobolku ay meel iska dhigi doonaan waxyaabaha aan bulshadooda waxba u tarayn ee ay u soo jeedsadaan inay wax qabsadaan, xukuumadayduna waxba kalama hadhi doonto wixii horumarin ah ee gobolada kaleba laga fulin doono.”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayarka Boorame Md. C/Raxmaan Shide Bille, waxaanu bulshada ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan dhismaha labadan wado oo uu tilmaamay inay ahmiyad u leedahay magaalaynta Boorame.

Dhinaca kale, Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka waxa si weyn ugu soo dhaweeyay Degmada Dilla Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan degmadaasi waxaanu kala hadlay meel fagaare ah.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha degmada Dilla, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka salaamayaa dhalinyarada, ardayda, haweenka  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Dilla, waxaan  idiinka mahad naqayaa soo dhawaynta iyo wajiga fiican ee mar walba aad igu soo dhawaysaan, degmada Dilla  waa albaabkii laga galayay gobolka Awdal waxaad mar idinkala kulmaa waji diiran oo walaaltinimo iyo wadaniyad leh waanan idinku diirsadaa, sida diiran ee aad ii soo dhawaysaan ayaan gobolka intiisa kalena aan ka rajaynaaa. Walaalayaal dalka oo dhan horumarin balaadhan ayuu u wada baahan yahay oo qabyadu way iska badan tahay biyo la’aanta, adeegyada caafimaadka iyo baahiyaha kale ee bulshaddu way badan yihiin waxyaabihii aad sheegteen in wax la idinkala qabtana waa la idiin qaban doonaa oo hagrasho ma jirto.”

 “Waxaanu  xukuumad ahaan ku rajo weyn nahay in wixii la qaban karo maalinba inta ugu muhiimsan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan laga qabto, waxaad la socotaan inaanu sanadkii la soo dhaafay aanu waxqabadkii ka bilownay daryeelkii shaqaalaha, macalimiintii iyo ciidamada  dalka oo mushaharkii aanu u kordhinay lacagihii sida khaldan u bixi jirtay waa la xakameeyay waxaana mushahar kordhintii laga dareemay qoysaskii ciidamada iyo macalimiinta,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku.

Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu sheegay in degmada Dila ay ugu horeyso degmooyinka dalka ee laga fulin doono waxqabad badan mustaqbalka dhow.

Waxa isna goobtaasi ka hadlay Wasiirka  hawlaha guud iyo Guriyaynta Md. Ismaaciil Muumin Aar waxaanu shacbiga Dilla uga mahad celiyay siday ugu soo baxeen ee ay u soo dhaweeyeen weftiga madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, waxaanu sheegay in degmadan mashaariic badan laga fulin doono mustaqbalka dhow.

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay shacbiga degmadiisa Dilla inay sugaan oo samir u yeeshaan horumarinta ay xukuumada uu ka tirsan yahay u qorshaysan inay ka fuliso dalka.

Guddoomiyaha degmada Dilla Ibraahim Cabdi  Xaaji  oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in xaalada degmadu aad u wanaagsan tahay, waxase uu xusay in ciidamada amaanku aanay ku filayn degmada isla markaana ay haysato baahiyo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin gaadiid la’aan waxaanu ka codsaday xukuumada inay u soo kordhiso tirada ciidanka Booliska.

Madaxweyne Ku xigeenka iyo weftigiisu waxay soo kormeereen wadooyin cusub oo laga dhjsay magaalada Gabilay iyo dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta dawlada Hoose ee Gabilay. Halkaasi oo uu kulan xog waraysi ah la yeeshay maamulka degmada, gobolka, cuqaasha iyo laamaha dawlada ee gobolka Gabilay.

Weftigani intii ay joogeen gobolka Awdal waxay ku guulaysteen inay xal ka gaadhaan khilaafkii dhinaca dhaqanka ee dhashay Ugaas C/Rashiid Ugaas Rooble Ugaas doodi oo laba beelood oo ka mid ah sadexda beelood ee Samaroon ay ka soo horjeedeen Ugaasnimadiisa. Waxaanay kulamo is daba joog ah la yeesheen madaxda dhaqanka iyo waxgaradka beelaha.

Weftiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Duulista hawada, Dib u dejinta, Hawlaha Guud, Beeraha , Wasiir Ku xigeenka Waxbarashada, Agaasimeyaal guud, Xildhibaaano, La Taliyeyaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Haa’yadaha dawlada iyo marwada labaad ee Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net