“Madaxweyne ku xigeen waynu ka soo daalnay waxaan jeclahay inay tani inuugu danbayso oo aynu madaxweyne ku dhaqaajino.” Reer Boorama

 

Borama(SLpost)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Waddani Prof.Qaasim ayaa reer boorma ku booriyay in ay meesha ka saaraan musharaxa madaxweyne ku xigeen ee ay mar walba u tartamaan isla markaasna ay noqdaan musharaxiin xil madaxweyne u tartama.

Waxa uu sidan ka sheegay Prof.Qaasim mar uu la hadlaayay shacbiga reer boorama waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Madaxweyne ku xigeen waynu ka soo daalnay waxaan jeclahay inay tani inuugu danbayso oo aynu madaxweyne ku dhaqaajino, sharafdarada inagu dhacday waxa weeye in madaxweyne ku xigeenkeena uu u banaanaaday inuu madaxweyne isku sharaxo qofna ha helee.”