Madaxweyne ku-xigeen Saylici oo lagaga Cabanayo Arrin Meel-ka-dhac ku ah Diinta Islaamka iyo Xuquuqda Aadamaha!

Hargeysa (SLpost)- Qoysas danyar ah oo deris ah Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa cabasho xooggan ka muujiyey tacaddiyo kaga yimaadda Askarta Ilaalada ah iyo qoyska madaxweynahaba, kuwaas oo ay sheegen inay meel ka dhac ku yihiin Xuquuqdooda muwaadinimo iyo Xaqa ay Diinta Islaamku u jidaysay deris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha.

Qoysaska danyarta ah oo kaabiga/dhinaca ku haya Guriga Qasriga ah ee Madaxweyne ku-xigeen Saylici, waxa ay ku doodeen inaanay ka helin xuquuqdii deris-wanaag ee ay ku lahaayeen, mar kasta oo ay isku dayaan inay cabashadooda u gudbiyaanna ay tacaddiyo, caga-jugleyn iyo gacan-saarba kala kulmaan Askarta ilaalada ee Madaxweyne ku-xigeenka.

Haddaba, faahfaahinta hadallada qoysaska danyarta ah oo Farriimo, cabasho, codsi, gar-naqsi, iyo gar-waaqsiba isugu jira u diraya madaxweynaha, kaga bogo muuqaalkan hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=pX55ozuDzlQ