Madaxweyne Kilalka 5aad oo la sheegay inuu Cabasho ka muujiyey Dacwado maamulkiisa ku Shaqo leh oo Somaliland kala xidhiidhay dawladda Dhexe ee Itoobiya

Hargeysa, 30 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha gobolka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar (Iley) ayaa cabasho ka muujiyey dacwado uu sheegay in Dawladda Somaliland u gudbisay Dawladda Federaalka ee Waddanka Itoobiya, kuwaas oo la xidhiidhay dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Maamulka Kililka 5aad ee Itoobiya oo Maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Jijiga ku qaabilayey Wufuud kala duwan oo isugu jira Xildhibaanno iyo Madax-dhaqameed Somaliland ka tegay, ayaa sheegay in Dawladda Somaliland dacwado kala duwan u gudbisay madaxda sare ee dawladda Federaalka Itoobiya, kuwaas oo sida uu sheegay isagu wax ka qaban lahaa.

In kasta oo aanu jirin war Rasmi ah oo ka baxay dhanka Is-maamulka Soomaalida Itoobiya oo ku saabsan cabashadan, hadana sida ay sheegayaan xogo laga helay Weftiga Xildhibaannada iyo Madax-dhaqameedka ee la kulmay Madaxweyne Cabdi Iley, waxa uu ka xumaaday in Dawladda Somaliland ay la dhaafto waxyaabaha ay ka tabanayso maamulkiisa oo uu tibaaxay in uu u madax-bannaan yahay xallintooda, isaga oo xusay inuu mar kasta jecel yahay in dawladda Somaliland iyo Maamulkiisu si toos ah uga wada xaajoodaan shaqaaqooyinka ka dhaca xuduudaha, sida ay hore labada dhinac ugu heshiiyeen.

Warkan ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu weftiga Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee la kulmay, uu soo faray in ay madaxweynaha Somaliland ka gaadhsiiyaan cabashadan, isla markaana uu dhinaciisa diyaar u yahay in wixii ka dhaca xuduudda ee saamaynaya labada dad ay toos uga wada hadlaan iyo wada-shaqayn joogto ahi dhex marto Somaliland iyo maamulka Kililka shanaad.

Si kastaba ha ahaatee, cabashadan la sheegay in ay ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Kililka 5aad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la rumaysan yahay in ay ka dambaysay dhacdooyinka ka dhacay xuduudda laba dal ee Itoobiya iyo Somaliland kuwaas oo xukuumadda Somaliland kala xidhiidhay Dawladda Dhexe ee Dalka Itoobiya.

Dhacdooyinkan xukuumadda Somaliland kala xidhiidhay Dawladda Itoobiya, ayaa wax aka mid ahaa faro-gelin ay ciidamada Liyuu Booliska ee Kililka 5aad ee Itoobiya ku sameeyeen gudaha xuduudda Somaliland, halkaas oo tacaddiyo kala duwan ay ugu geysteen muwaadiniin xoolo-dhaqato ah.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland