Madaxweyne Kenyatta Oo Al-shabaab Ku Sifeeyay Quus

Nairobi, (SLpostMadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa dhaleeceeyay xagjiriinta bariga Afrika, wuxuuna sidaa ka sheegay shirgobaleedka ammaanka ee Nairobi, in kooxda Alshabaab ay gaadheen meel quus ah, oo weeraradoodu aanay guul aheyn oo ay naflacaarid yihiin.Kenyatta

Jimichii ayey Alshabaab weerareen saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya. Ugu yaraan 50 ciidamada nabad ilaaliyayaasha Burundi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerarka.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay kula dagaalameen xagjiriinta sabtidan maanta meel u dhaw magaalada koonfurta ee Dhoobley.

Somalilandpost.net