Madaxweyne ka noqday Badhasaab Gobol deris la ah Waddankii uu Xukumayey

Waa Hoggaamiye Hore oo dalkiisa looga haysto Dambi ka dhan bani’aadamnimada oo uu Geystay, inuu dalkiisa ka laabtana, wuxuu ka door-biday inuu Magan-galyo weydiisto Waddanka kale oo Jaarkiisa ah.

Kiev (SLpost)- Madaweynihii hore ee waddanka Georgia oo ku yaala qaaradda Yurub, Mikheil Saakashvili, ayaa magacaabay inuu noqdo Badhasaabka gobol Odessa ee waddanka Ukraine.

Mr Saakashvili waxa uu sheegay inuu ka tanaasulayo dhalashada dalkiisa Georgia oo looga haysto dambiyo ka dhan bani’aadamnimada.

badhasaabMadaxweynihii hore ee Georgia waxa si lama filaan ah u magacaabay madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko Sabtidii Todobaadkan. Waxaanu dalkiisa ka haajiray kaddib markii ay dhammaatay muddo-xileedkiisa sannadkii 2013-kisa.

Mr Saakashvili, ayaa dalka Georgia madaxweyne ka ahaa xilligii uu socday dagaalkii dhexmaray Ciidamada Ruushka sannadkii 2008-kii, waxaana lagu tilmaamaa inuu kacdoon jabhadeed oo mayal adag ku kiciyey dowladda Ruushka oo u hiilinaysa gobol ka tirsan dalkaas oo ay deggen yihiin dad asalkoodu yahay Russian.

Hawl-galka ninkani ka sameeyey dalkiisa, colaaddii u dhaxaysay Ciidamada Ruushka iyo necbaanshaha uu u hayo Dadka asalkoodu Russian-ka yahay, ayaa la sheegay inay ku kalliftay madaxweynaha Ukraine inuu ninkan u xusho inuu badhasaab ka noqdo gobolka Odessa oo deris la ah gobolka Crimea oo ka go’ay Ukraine kuna biiray dalweynaha Ruushka, kaddib markii codbixin laga qaaday shacabka ku dhaqan gobolkaas oo intooda badani dhalasho ahaan ka soo jeedaan qoomiyadda Russian-ka.