Madaxweyne iyada oo ay Awoodaada Tahay Magacaabista iyo Bedelaada Masuuliyiinta Hay’adaha Xukuumadu Hadana Waa lagama Maarmaan In Aad Dhinacyo Badan Ka Eegto Xilalka Qaarkood

Sida aynu ka warqabno Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu Xilkii ka qaaday Maalinka hor Taliyihii Sirdoonka Qaranka, Maxamed Nuur Isagoo Bedelkiisa U magacaabay Jaamac Bootaan oo kamid ahaa Saraakiisha aan Akadeemiga ahayn ee Ciidanka Qaranka (Xooga) Gaar ahaan Qaybta Aaga Bari ee Fadhigoodi yahay Gobolka Togdheer, sidoo kale waxa Bedelka Taliyaha Sirdoonka ka horeeyey oo isagana uu Bedelay Madaxweynuhu Taliyihii Ciidanka Qaranka Nuux Taani kaas oo Bedelkiisa uu u Magacaabay Maxamed Xasan Jidhif, intaas uun kuma eka isbedelada uu Madaxweynuhu ku sameeyey Haydaha sida Gaarka ah ay u khuseeyaan Arimaha Aminiga Dalku ee waxa kaloo jirta In uu dhawaan is casilay Wasiirkii Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose isla markaana uu Madaxweyne Siilaanyo Buuxintii Xilkaas u Magacaabay Maxamed |Nuur Caraale Duur oo Runtii kartidiisa aanan waxba ka sheegayn laakiinse marka laga hadlayo Masuuliyada Wasaardda Arimaha Gudaha oo iyadu Masuul ka ah qaybta ugu Balaadhan ee Arimaha Nabadgelyada Dalka aan odhan karayo Duur mudo uu ku hanankaro masuuliyada ka saran aminiga muu fadhiyin kursiga iyadoo ay u wehelinayso Isbedelkii uu Madaxweynuhu ku sameeyay Taliyaha Booliiska oo aynu ognahay in uu Bedelay Cilmi Rooble Fure isaga oo aan ku loxos bixin Xilkii uu hore Madaxweynuhu ugu Magacaabay ee Booliska.

Haddaba aniga oo is bidaya in aan kamid ahay shaqsiyaadka aqoonta iyo waayo aragnimada dheer u leh arimaha Amniga ee Mandaqada Geeska markaan ka shidaal qaato isbedelada is daba jooga ah ee Masuuliyiinta Haydaha Amniga ee Madaxweynahu Sameeyay mudada Kooban aniga oo ogsoon in Madaxweynhuhu Awood sharci u leeyahay Magacaabista iyo Xilka qaadistaba ayaa waxaan leeyahay Madaxweyne waxa haboonayd in aad wax badan eegtid si aan xagal daac ugu iman Howlaha qaranka oo ay halbowle u tahay Nabadgelyadu iyadoo lagu jiro xili xaasaasi ah dalkana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo saamayn iyo culays nabadgelyo intaba leh.

Qore: Khadar Cabdi Cabdillaahi

Hargeysa Somaliland