Madaxweyne Hanti-Dhawr Haloo Diro Lacag Baanka Dhexe ka Lunsaday Muwaadiniin – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Mawliid Aadan Cumar

MAWLIIDMadaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud -Silaanyo Waxaan lee yahay Adigaa Ka Masuul ah oo ku dhaartay Ilaalinta hantida Shacabka, Sidaasi awgeed Waxaan Madaxweyne Adiga Iyo Shacabkaba u soo bandhigayaa Faldanbiyeedkii ugu xumaa abid oo ka dhacay Baanka Dhaxe ee Somaliland gaar ahaan Laanta Xarunta oo ah Xaruntii Kaydka guud ee Qaranka iyo shacabka haysay, Sidaas awgeed Mudane Madaxweyne Faldanbiyeedkani waxa weeye danbi uu ogyahay Agaasimaha Guud ee Baanka dhexe C/Laahi Xassan Aadan Waxaanu kamid yahay kiisaskii uu ololaha kursiga ku raadinaayay Wakhtigii aad ku jirtay Dhismaha xukuumada cusub Ka dib doorashadii madaxtooyada.

Hadaba Madaxweyne Saddexda Masuul ee Wakhtigan xilka baanka dhexe  haya oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud waxay miciin iyo masuuliyad bideen raga ku saxeexan Ducmentigan cadaynaya lacagta muwaadiniinta lagu dhacay ee laanta xarunta Number keduna yahay F/C-199,kuna Taariikhaysan 11/02/2004 Lacagta ay xambaarsan tahay na tahay  SL-SH/448,154,819.

{Afar boqol sideed milyan boqol konton afar kun sideed boqol toban iyo Sagaal}.

Hada Mudane Madaxweyne Anigoo wakhtigaa goobjoog u ahaafaldanbiyeedkan kana mid ahaa shaqaalaha Baanka gaar ahaan laanta xarunta, waxaan u hawl galay inaan kiiskan gaadhsiiyo Madaxwenihii Wakhtigaas joogay Mudane Daahir Riyaale Kaahin, Nasiib wanaag si fudu ayaan ula kulmay waxaanu ii sheegay inuu degdegah wax uga qabanaayo, Intaasi  ka dib markii ay madaxdii baanku ogaaden inaan madaxweyne riyaale u gudbiyay faldanbiyeedkan foosha xun, Wax baadhis ah iyo wax dareen ah oo ka danbeeyay ma dhicin, Waxay noqotay in madaxdii wakhtigaasi aniga iga fogeeyan kawaanka ay hantida umada ku gawracayaan, Waxaana lay bedelay Laanta Dumbuluq Taas oo layga dhigay Xisaabiyaha Laanta Dumbuluq.

Hadaba Mudane Madaxweyne Waxaan kuu soo jeedinayaa inaad faldanbiyeedkan u magacawo Gudi Bankers ah oo Baadhis ku sameysa Hadii ALLE yidhaa.

Sidaasi Awgeed Dukumantigan oo uu ku cad yahay saxeexyada iyo cadadka lacagta Baanku ku shubtay dheefta baanka, Waxaan kugu adkaynayaa Madaxweyne inaad Shacabkii la dhacay u hiiliso  WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Mawliid Aadan Cumar

Lasoco Ducumentiga iyo liiska Muwaadiniinta la dhacay