“Madaxweyne, Carabtu waxay ku maahmaahdaa Shacbi waliba wuxuu leeyahay Diinta Madaxweynahoodu haysto oo…”

Baligubadle (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde hadalo Kaftan, Dhiirri-gelin, iyo Ammaan isugu jira ka jeediyey magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd oo Casuumad loogu sameeyey Madaxweynaha iyo Wefti uu hoggaaminayey oo ay iyagu xubno ka ahaayeen.

DSC_0970Hadallada Cali Maxamed Waran-cadde Madasha ka jeediyey oo aad u jiitay Madaxweynaha iyo in badan oo ka mid ah dadweynaha iyo Masuuliyiinta Madasha Casuumadda fadhiyey, ayaa taabanaya dhinacyo kala duwan oo wax-qabsiga bulshada, isku-tiirsanaanta iyo isku-duubnimada, deegaanka, awoodda, dul-qaadka iyo waxyaabo la hal-maala.

“Mudane Madaxweyne, Carabtu waxay ku maahmaahdaa ‘An-naasu Calaa Diinu Muluukiyi’ oo macnaheedu yahay Shacbi waliba wuxuu leeyahay Diinta Madaxweynahoodu haysto oo micnaheedu yahay wuxuu Madaxweynahaasi ku tilmaaman yahay, ayuu shacabkaasi ku tilmaaman yahay. Madaxweyne, markii aad u shiraacatay horumarka dalka, waxa halkan ka cad in bulshada reer Hawd iyo Hargeysa aanay kaa gaabinnin ee ay inna daba-guclaynayeen oo ay markhaati u tahay waddada qiimaha leh ee halkan maanta aynu u fadhinno. Madaxweyne, waxay waddadani dheertay waddooyinkii hore, waa waddo ay suurta-gal tahay haddii ay diyaaraduhu cidhiidhi ku noqdaan madaarka Hargeysa, diyaaradaha qaarbaa fadhiisan kara.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha gudaha Mr. Waran-cadde waxa uu intaas ku daray oo uu  yidhi; “Midna waxaan ka odhanayaa Super-powernimada (Awoodda fiican) ee reer Hawd iyo Hargeysa. Waxaan ka markhaati kacayaa laba dhacdo oo ay bulshadani soo martay oo fasiraya kelmadda ay halkan ka yidhaahdeen inay asal tahay. Labadaas dhacdo waxay yihiin, iyada oo dadku Wan iyo Waraabe noqday magaalada Hargeysa oo nin waliba Rayfalkiisii hoosta ku haysto oo aanu walaalkii u aamminin, ayaynu damacnay inaynu dawlad abuurno oo qoryaha laysku gumaadayo la xereeyo. Anigu, Madaxweyne, Woxoogaabaan meel halkan ah ku hayay, waan la baqay inaan keeno, reerkani wuxuu ahaa reerkii yidhi wixii aannu haynay waakaas oo ku xereeyey Istaadyowmka. Cid aan Super-power ahayni may tidhaahdeen noo haya qoryaha.”

Qodobka labaad Waran-cadde oo sharraxayaa waxa uu yidh; “Ta labaadina waxay ahayd iyadoo beesha Hawd iyo Hargeysi yar cadhootay oo degmo halkan Hargeysa oo laysku qabtay ka cadhootay, ayay sida daadka iyo mawjadaha iyagoo u socday waxay ka soo tallaabeen Dooxa Hargeysa. Dabadeedna dadkii oo dib u guranaya, ayaa aniga iyo nin kale ka hor nimi annaga oo ka baqanayna, ayaannu nidhi ‘Sharac Alle Beeshii Hawd iyo Hargeysaay istaaga!’ Madaxweyne iyagoon kelmad nagu soo celin ayay istaageen, dabadeena fadhiistaannu nidhi. Shan daqiiqo ka bacdi waxaannu nidhi Iska taga, bartiibay ka noqdeen.”

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland inteeda kale intiina maanta ku hawlan horumarka, gobonimada iyo nabadgelyada mooyee, inta yar asqaysan ee innaga ah ee wali asqadu ku jirto in Illaahay Asqada ka saaro oo dalkooda iyo dadkooda soo raacaan.” ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Wasiir Waran-cadde.