Madaxweyne Biixi oo Xilalka ka qaaday Badhasaabkii iyo Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh

Nuxurka Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Uu Madaxweyne Muuse Biixi Ka Jeediyey Xuska 36-guurada kasoo Wareegtay Maalinta Dhallinyarada SomalilandHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin cusub.

 

War-saxaafadeed Xambaarsan wareegto madaxweynuhu ku soo saaray xilka-qaadista iyo Magacaabista masuuliyiinta, waxa lagu sheegay in Md Muuse Biixi Cabdi  uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Daad-madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi iyo badhasaab ku-xigeenkii hore ee gobolkaas Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale).

 

“Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtadiisa.
Sida ku xusan Wareegtada Madaxweynaha, Md Muuse Biixi Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Daad-madheedh u magaaabay Nuur Cismaan Guuleed, halka Guddoomiye ku-xigeenka cusub loo magacaabay Maxamed Cali Axmed.