Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren.

Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa ah Ururka labaad ee ugu weyn ee kulmiya dowladaha caalamka waxaana xubno ka ah 57 dal oo ku kala yaalla Afar Qaaradood. Waxa ka horreeya oo kaliya Ururka Qaramada Midoobay. Sannadkii 1969-kii ayaa ururka lagu aasaasay shirweyne ku qabsoomay Dalka Marocco, go’aankaas oo ka dhashay weerar sannadkaas lagu qaaday Masjidka barakaysan Al-Aqsa ee magaalada Quddus.

madaxweynaha iyo ururka (1)

Haddaba, Masuulkan oo noqonaya xubintii ugu sarreysay ururka Islaamka ee Socdaal ku yimaadda Somaliland, waxa Kulanka madaxweynuhu la qaatay lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxxweynaha, waxa kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee dalka Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga ah ee Somaliland caanka ku tahay.

  

Warku waxa uu intaas ku daray in Agaasimaha Xaruntu uu  madaxweynaha uga mahadnaqay soo-dhaweynta iyo kulanka uu ku qaabilay, isla markaana uu ku amaanay Somaliland siday u ilaashatay taariikhda iyo aasaarta qadiimiga ah ee dalka, isagoo sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland, ka mid tahay wadamada taariikhda islaanku ku duugan tahay, imaantinkooduna daaran yahay sidii qorshahoodu qayb uga noqon lahaa baadigoobka taariikhda Islaamka.

 madaxweynaha iyo ururka (2)

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada wasaaraddaha  Diinta iyo Aw qaafta, Ganacsiga, Wershedaha iyo dalxiiska & agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha dibeda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

 

Halka Dhinaca kale uu ku wehelinayey Wakiilka Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku xigeenkiisa.

SOMALILANDPOST.NET