Madaxweyne Biixi oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Arday Ka Qalin-jabisay Dugsiga Abaarso iyo Maamulkooda

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah ardaydii ka qalin-jabisay dugsiga ABAARSO, macallimiinta iyo xubnaha guddida waalidiinta dugsigaas.

099A0457Kulankan oo maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey  wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faro-toon), la-taliyaha madaxweynaha  ee arrimaha Tignoolojiyadda Mudane, Ibraahim Daahir Dubbad iyo Marwo Amaal Xaaji Axmed Yaasiin oo ah la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Haweenka, xildhibaanno, xubno kamid  guddida waalidiinta dugsigaas, iyada oo halkaas madaxweynaha lagu siiyey war-bixin si qoto dheer u taabanaysa waayaha dugsiga, guulaha ay jaamacadaha dibadda kasoo hooyeen ardaydii kasoo baxday oo intooda badani dalka kusoo guryo noqdeen.

biixi (2)Xubno kamid ah saraakiisha sarsare ee dugsiga oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday tayada dugsiga iyo guulaha ardaydii kasoo baxday kasoo hooyeen jaamacadaha dibadda ee ay waxbarashada u tageen, waxana ay shaaciyeen in tiro badan oo arday oo hore dugsigan uga baxay ay derejooyin sare ka keeneen jaamacadaha ugu magaca weyn adduunka oo ay waxbarasho ka heleen.

Xamse Faysal Caabbi iyo Ubax Cabdi Cali oo kamid ah ardaydii hore ugu baxday Dugsiga Abaarso oo waqtigan waxbarasho ugu jira jaamacadaha dibadda, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inay aqoon iyo cilmi noloshooda  saamayn ku yeeshay ka barteen dugsigaas, iyaga oo arday kasta oo waxbarasho dibadeeda u baxana ka codsaday in wixii uu soo bartay uu dadkiisa iyo dalkiisa dib ugula soo noqdo.

biixi (1)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii kulanka hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadceliyey maamulka, ardayda, waalidiinta iyo guddida dugsiga Abaarso, waxana uu sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay si buuxda u garab taagan yihiin dugsigaas, maadaama uu soo saarayo  arday aqooddooda aqooneed ku muujiyey jaamacadaha dibadda ay ay tagaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ardayda waxan ku hambalyeynayaa dhibcaha wanaagsan ee ay keenaan marka ay jaamacadaha dibadda tagaan iyo sharafta ay soo hooyaan, waddada ay guusha u marayaan, sida ay u dedaaleen, dhibaatooyinka ay arday ahaan marayaan iyo halka ay ka gaadheen ee ah jaamacadaha ugu waaweyn adduunkana aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa, Dugsiga Abaarso iyo maamulkooda si mug leh baanu ula shaqaynaynaa dhinac walba.”

Dugsiga Abaarso oo ku yaalla duleedka magaalada Abaarso oo dhinaca galbeedka kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxaa wax ka barta Arday tiro badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo marka ay dhammaystaan waxbarasho ka hela jaamacadaha ugu magaca weyn dunida ee ay kamidka yihiin  YALE,  Connecticut  Massachusetts( MA), HARDVARD, COLOMBIA New York(NY), BROWN, Rhode Island iyo Amherst, waxana ardaydan uu madaxweynuhu la kulmay ay isugu jiraan kuwo  soo qalin jabiyey oo dalka kusoo laabtay, qaar waxbarashadoodii ku dhex jira iyo kuwo haatan waxbarasho u baxaya.