Madaxweyne Biixi Oo Hoggaanka Waddani La Kulmay

Hargeysa(SLpost) Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka bedel ku sameeyay qaabkii uu ula kulmi jiray madaxda labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID.

Madaxweyne Biixi ayaa wuxuu madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID ula kulmi jiray qaab wada jir ah, laakiin markii uu ka soo laabtay wada hadalkii Djibouti, wuxuu isbedel ku sameeyay qaabkaas, waxaanu xisbiyada mucaaradka ula kulmayaa si gooni gooni ah.

Xalay ayuu bilaabay kulankii u horeeyay waxaanu kulan xog waran ah la yeeshay madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Habeenada Salaasada ee toddobaadkana wuxuu la kulmi doonaa madaxda xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiga Waddani, haddana wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu uga waramay masuuliyiinta xisbiga, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya iyo Djibouti ku qabsoomay.

Sida warku sheegay wuxuu Madaxweyne Biixi xisbiyada la wadaagay aragtida ka madaxweyne ahaan uga soo baxday wada hadalkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo ay la fadhiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo ergadii kale.

Madaxweyne Biixi, arrimaha uu xisbiga Waddani uga waramay waxa ka mid ahaa qodobada la isku mari waayay wada hadalkii Djibouti oo uu ka mid ahaa qodobka isu socodka siyaasiyiinta.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu madaxda xisbiga Waddani uga xog waramay dareenka ay bulshada caalamku ka qaadatay wada hadalkaas Djibouti ku qabsoomay, waxaanu ugu dambayn xisbiga Waddani ka dalbaday inay kala shaqeeyaan arrimaha wada hadaladaas.

Geesta kale madaxda xisbiga Waddani ayaa la sheegay inay madaxweyne Biixi siiyeen tallooyin kala duwan oo la xidhiidha wada hadalada iyo qaabka loo sii wado karo, loogana digtoonaan karo khataro siyaasadeed.

Xisbiga Waddani waxa ka socday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, guddomiyaha ku meelgaadhka ah Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye-xigeenka xisbiga Cabdirisaaq Khaliif, murashixii madaxweyne-xigeen ee xisbiga Maxamed Cali iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi.

Xigasho Geeska

Somalilandpost.net
Hargaysa Office