Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro oo Feejignaan iyo Diyaar-garow ugu Baaqay Shacabka

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shacbiga ugu baaqay inay u hoggaansamaan isla markaana raacaan tallaabooyinka Caafimaad ee ay u tilmaamaan Guddiga heer Qaran ee ka-hortagga Cudurka Covid-19 si looga hortago faafintaanka Xannuunka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa ay arrintan ka hadleen kulan maanta madaxtooyada ku dhexmaray madaxda xisbiyada Qaranka iyo Shir-guddoonnada Guurtida iyo Wakiillada ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu shacabka uga mahadnaqay sida ay ugu dhego-nuglaadeen waanooyinkii ay soo jeediyeen guddida ka hortagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19,  waxaanu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha.

Dhankiisa, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shacabka usoo jeediyey inay si dhaw ula socdaan talooyinka guddida ka hortagga xanuunka Covid-19, isagoo dhinaca kale baaq u jeediyey xukuumadda dalka.

“Shacbiga waxaanu usoo jeedinaynayaa inaynu u dhego-nuglaanno talooyinka guddida, cudurkuna wuu soo kordhayaa waddamada aynu jaarka nahay dadka uu saameeyeyna way soo kordhayaan, innaguna kama duwannin ummadahaas kale ee taxaddarkeennu ha bato, taladana hala qaato, xukuumadduna awaamiirta iyo talooyinka fulin haku darto,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net