“Madaxweyne, anaga oo ixtiraamayna dawladnimada, wixii arrintayada ka yimaadda masuul kama nihin”

“Annaga ah qoyska Ilma Nuur Diiriye Shire iyo Reer Geelle Ducaale Cismaan oo ah Mulkiilayaasha Beeraha ku yaala Dooxa Magaalada Hargeysa qarkiisa, gaar ahaan meesha loo yaqaan Dabada Cadaadda. Dhulkaasi waxa nagu haysta dad aan muuqanin, balse Milatariga iyo dawladda noogu gabbanaya. 26 February ee sanadkan waxaanu kulan la xidhiidha arrintan la yeelanay Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wakhtigaasna ahaa ku-simaha madaxweynaha JSL oo wakhtigaas ku maqnaa dalka Ingiriiska. Wada-hada ka dib waxaanu isla garanay in arrinta Beerahaas aanu dawladda aanu uga dambayno, lana soo caddeeyo cidda aan muuqan ee nagu haysata. Waxaanu nagula ballamay in aanu arrinta ku sinno madaxweynaha inta uu ka soo noqonayo oo laba maalmood ka dib marka uu madaxweynuhu soo noqdo aanu iska aragno. Waxaanu arrintaa u xilsaaray in ay kulankaa suurogeliyo Xoghayaha fulinta Dawladda hoose ee Hargeisa. Laakiin, albaabbada ayaa nalaga xidhay oo kulankaasina ma qabsoomin, war dambena nalaguma soo celin.

Mudane Madaxweyne iyo Madaxweyne-xigeen, Anaga oo u hoggaansan dawladdayada iyo nidaamka kala-dambayneed ee Somaliland ku caano-maashay, waxaanu ka dhursugnay ballankii naloo qabtay, adiga ayaananu ku sugaynay, waxbase lagama qaban. Haddaba, anaga oo ah mulkiilayaasha beerahaas, waxaanu leenahay anagu Beerahayaga cidi iska qaadan mayso, mudane madaxweyne anaga oo ixtiraamayna dawladnimada, balse haddii la doono in arrinkayaga hoos loo eegi waayo, wixii ka yimaaddana waxa masuuliyaddeeda qaadaysa ciddii ka baxday ballankii naloo qaaday.”

Magacyada guddida odayada:
1-Cali-Daahir Axmed Qooblow
2-Daahir Nuur Diiriye
3-Salaan Haybe Geelle.