Madaxweynaha oo xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista iyo Sabaha loo daliishaday Erigiisa

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiyadda Md Aadan Axmed Warsame.

War-saxaafadeed mar-dhawayd ka soo baxay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada oo xambaarsan digreeto madaxweynuhu xilka kaga qaaday masuulkan, haseyeeshee madaxweynuhu cid kale uma magacaabin beddelka wasiirka uu xilka ka qaaday oo muddo dhowr sanno ah hadda xilka hayey.

War-saxaafadeedka xilka lagaga qaaday wasiirka, ayaa lagu xusay inuu madaxweynuhu gedaal uga soo magacaabi doono wasiir cusub, waxaanu u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-2544/062014 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu wasaaradaasi u soo magacaabi doonaa wasiir Cusub insha allaa.

Ujeedo:  Xil-ka Qaadis

Ku:  Mudane, Aaden Axmed Warsame,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

Mudane,

Ka-dib dhibaatooyin iyo cabashooyin is daba jooga ah iyo hufnaan la’aanta shaqo ee aad ka muujisay xilka aan kuu magacaabay. Haddaba, xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

SOMALILANDPOST.NET