Madaxweynaha Uganda oo saxeexay sharci ka cadheysiiyay reer galbeedka

Uganda(SLPOST)Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguto Moseveni ayaa saxeexay sharci uu bishii December ee sanadkii hore uu ansixiyay Baarlamaanka Uganda, kaasi oo ka dhan ah dadka isku jinsiga ah ee isguursada, sida ragga isguursada iyo dumarka isguursada.

museveni

Dadkii lagu helo in ay jebiyaan sharcigan ayaa lagu ciqaabi doonaa 14 sano oo xadhig ah ama xabsi daa’in, waxayna dowladda Uganda mamnuucidda arrintan ay u cuskatay in aaney qaab nololeed la dooran karo aysan ahayn in dad isku jinsi ah  isguursadaan.

Sharcigan uu saxeexay Madaxweyne Museveni oo laga soo dhaweeyay gudaha Uganda ayaa waxaa  mucaaraddo kala horyimid dowladaha reer galbeedka oo ay ugu horreyso Dowladda Mareykan oo madaxweynaheeda Barack Obama uu sheegay in aaney suurtagal ahayn in Madaxweyne Museveni uu saxeexo sharcigaas. Dowladda Mareykanka ayaa tageerta dowladda Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhawaan wuxuu saxeexay sharci kale oo uu meel-mariyay Baarlamaanka Uganda, kaasi oo ahaa in haweenka aaney qaadin karin Dharka  gaagaaban, waxaana taasi sabab looga dhigay in ay dhiirigelineyso dembiyo ay ka mid yihiin kufsiga dumarka. Haweeneydii lagu helo iyadoo dhargaagaaban  magaalada ku dhex socota ayaa mudan doonta ciqaab ah xabsi 10 sano ah ama in ay  bixiso 10 milyan oo lacagta Uganda ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somalilan