Madaxweynaha Turkiga oo Dhiggiisa Maraykanka ku cannaanta ka-hadal-la’aanta Xasuuq dhalinyaro Muslim ah dalkiisa loogu geystay

Mexico City (SLpost)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ku dhaliilay aamusnaanta uu afka kaga xidhay dil todobaadkii hore gobolka North Carolina ee Maraykanka loogu geystay saddex dhalinyaro Muslimiin ah

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga waddanka Mexico oo ay Marykanka xuduud leeyihiin, ayaa sheegay in aamusnaan madaxda Maraykanka ee dhacdadaasi muujinayso inay raalli ka yihiin dhacdadaas.

Turkey's President Tayyip Erdogan gives a speech to the media next to Mexico's President Enrique Pena Nieto (not pictured) during an official welcoming ceremony for Erdogan, at the National Palace in Mexico City February 12, 2015. Erdogan is in Mexico on an official two-day visit. REUTERS/Henry Romero (MEXICO - Tags: POLITICS)Madaxweyne Erdogan oo uu dhinac taagnaa madaxweynaha Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto oo ay si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu wada qabteen magaalada Mexico Khamiistii, waxa uu yidhi, “Aamusnaanta Obama, ku-xigeenkiisa Biden iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda Kerry waxay noo sheegaysaa halka ay ka taagan yihiin ficilada caynkan oo kale ah.”

“Haddii aad ka aamustaan ficilada noocan ah oo aydnaan bayaan ah ka soo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa idinka,” ayuu yidhi Madaxweyne Erdogan oo canbaareynayay dilka maalintii Salaasa loo geystay Deah Shaddy Barakat, xaaskiisii Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Maxamed Abu-Salha.

Booliska gobolka North Carolina ayaa dilkan u xidhey Craig Stephen Hicks oo 46 sano jir ah, waxaanu falkani cadho badan ka abuurey dadka Muslimiinta ah ee dunida gaar ahaan kuwa isticmaala shabakadaha isku xidha bulshada iyaga oo cambaareynayey Maraykanka iyo warbaahintiisa oo ka gaabsaday inay dhacdadan baahiyaan.

Dad tiradooba lagu qiyaasay ilaa 5,000 qof, ayaa ka qayb-galay Aas loo sameeyey saddexda dhalinyarada ah oo wax ka barayey jaamacad ku taala gobolka Carolina.

Erdogan ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee caalamka Muslimiinta ee dilkan foosha xun canbaareeyey, waxaana uu si daah-furnaan ah uga hadlaa baqdinta iyo Islaam nacaybka ku soo badanaya dalalka reer galbeedka.