Madaxweynaha Tansaaniya Oo Mushaharka Ka Dhimaaya Madaxda Lacagta Badan Qaadata Ee Dawlada U Shaqaysa

Tansaaniya(Slpost)-Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, ayaa balanqaaday inuu dhimo mishaarka madaxda u shaqaysa dowladda.

tansaaniya

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa inaan la aqbaleen in masuuuliyiinta qaar ay qaataan siddeed iyo toban kun oo dollar bishii, halka dadka ugu lacagta yar ee dowladda u shaqeeya ay qaataan boqol iyo afartan dollar.
Wuxuu sheegay in mishaarka uu dhimi doono oo uusan dhaafi doonin toddobo kun oo dollar bishii.
Mr Megufuli ayaa balanqaaday inuu dhimo lacagta dowladda ee la qasaarinayo intuu xukunka hayo.