Madaxweynaha Suuriya oo Booqasho Kadis ah ku Tagay Ruushka

 

Moscow(SLpost)-Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al Asad ayaa booqasho kadis ah ku tagay magaalada Moscow ee caasimada wadanka Ruushka.

 

Madaxweynaha dalka Suuriya ayaa la filayaa in mudada uu joogo dalka Ruushka uu kulan la qaadan doono madaxweynaha Ruushka vladamir Putin, kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo sii wadi lahaa ololaha dhinaca milatari ee Ruushku ka wado wadanka Suuriya.

 

Madaxweynaha dalka Ruushka oo ka hadlay kulanka uu la qaatay dhigiisa Suuriya, waxaanu sheegay  inuu ruushku diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo sidii xal siyaasiya looga gaadhi lahaa xaalka dalka Suuriya, waxaanu tilmaamay inaanu ruushku diyaar u ahayn oo kaliya ciidan milatari oo la dagaalama argagixisada.

 

Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al Asad  ayaa dhinaciisa u mahad celiyey madaxweynaha dlaka Ruushka, isaga oo ka waramay kaalinta uu ruushku kaga jiro la dagaalanka argagixisada dalkiisa ku sugan.