Madaxweynaha Sri Lanka oo Walaalkii u magacaabay Xilka Reysal-wasaaraha Dalkaas

Waa markii u horeysay taariikhda dalka Sri Lanka in laba Qof oo Isku Qoys ahi ku fadhiistaan Labada Mansab-siyaasadeed ee ugu sarreeya talada dalkaas

 

Colombo (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Sri Lanka, Gotabaya Rajapaksa, ayaa walaalkii oo Ka weyn Khamiista maanta ah u dhaariyey Xilka Raysal-wasaarenimo ee dalkaas oo uu u magacaabay.

Mahinda Rajapaksa oo 74-jir, isla markaana  hore u soo qabtay Xilka Madaxweynenimo ee dalkaas, ayaa magacaabistiisu ku soo beegantay saacado kaddib markii uu is-casilay Raysal-wasaare Ranil Wickremesinghe oo Xisbigiisa UNP lagaga adkaaday doorashadii dalkaas ka dhacday todobaadkii hore oo Xisbiga SLPP ku guulaystay.

Guusha Xisbiga SLPP ka helay Doorashada, ayaa suurto-galisay inay mar kale soo rogaal-celiyaan Awooddii qoyska Rajapaksa ku lahaa hoggaaminta Siyaasadda dalka Sri Lanka.

Waa markii u horeysay taariikhda dalka Sri Lanka in laba Qof oo Isku Qoys ahi ku fadhiistaan Labada Mansab-siyaasadeed ee ugu sarreeya talada dalkaas, in kasta oo Raysal-wasaaraha Cusub si ku-meel-gaadh ah u sii hoggaamin doono Xukuumadda tan iyo sannadka dambe oo laga qabanayo Doorashada Baarlamaanka.

“Waan hambalyeynayaa, guul-baanan u rejaynayaa Mahinda Rajapaksa, Raysal-wasaaraha Jamhuuriyadda dimuqraaddiga, hanti-wadaagga ee Sri Lanka,” Sidaas waxa bartiisa Twitter soo dhigay Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa wax yar kaddib markii ay soo id-laatay xafladdii uu xilka ugu dhaariyey Walaalkii.

Madaxweyne Gotabaya oo 70-jir ah ayaa soo qabtay booska Wasiirka Wasaradda Gaashaan-dhigga Xilligii uu madaxweynaha ahaa walaalkii Mahinda Rajapaksa oo isagu Dalkaas oo xukumayey intii u dhaxaysay 2005-tii ilaa 2015-kii.

Reysal-wasaare Mahinda oo ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka ee Sri Lanka 10-kii bilood ee u dambeeyey, ayaa xilka Reysal-wasaarenimo ee dalkaas soo qabtay laba jeer oo hore. Waxaana la qorsheeyey inuu noqdo murashaxa Xisbiga SLPP ee Doorashada Baarlamaanka oo loo muddeeyey bisha April ee sannadka soo socda.

Labada nin ee Walaalaha ah ayaa ah kuwo door weyn ku lahaa soo afjaridda dagaal sokeeye oo 27 sanno ka socday dalkaas, kaas oo la soo af-jaray 2009-kii, kaddib markii ay dowladda Sri Lanka, oo xilligaas wasiirkeeda gaashaan-dhiggu ahaa madaxweynaha hadda xilka qabtay, ay awood milatari kaga adkaatay Jabhaddii Tamil Tigers ee Woqooyiga dalka markii dambe heshiis dhexmaray. Jabhadda oo ka hawl-gali jirtay Woqooyiga Sri Lanka, ayaa ujeeddada ay u dagaalamaysay ahayd inay ka go’aan dalka intiisa kale.

Somalilandpost.net