Madaxweynaha Soomaaliya oo xaalad deg-deg ah iyo amarro ka soo saaray goobaha ay ka qaxday Al-shabaab iyo Xeryaha Barakacayaasha

Muqdisho, (SLpost)- Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa xaalad deg-deg ah ka soo saaray goobaha ay Malleeshiyada Al-Shabaab ka qaxday iyo Xeryaha Barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu ku sheegay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay goobihii ay ka baxday  Kooxda Al-shabaab iyo xeryaha barakacayaasha si loo sugo nabadgalyadooda. Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa xeerar qodobbaysan ayaa lagu xusay in goobihii ay ka baxday Kooxda Al-shabaab aan la geyn karin ciidammo beeleed, sidoo kalena aan la geyn karin ciidammo beeleed xeryaha ay ku jiraan barkacayaashu ee Muqdisho.

“Fal dambiyeedyada ka dhaca goobihii ay ka baxday Kooxda Al-shabaab iyo xeryaha Barakacayaasha waxaa qaadidda dacwooyinkooda awood u leh Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee DKMG ah,” ayaa lagu yidhi xeerarka uu soo saaray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Qodobbada xeerarkaas ayaa lagu sheegay in Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ay awood u leedahay inay dhaqangeliso xeerka ciqaabta waqtiga dagaalka. “Sida uu qabo qodobka saddexaad ee xeer-nidaamiyaha nabadgalyada guud Lr. 21 ee soo baxay 16-kii August 1963-kii, waxay dowladdu qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgalyada iyo anshaxa guud ee goobihii ay ka baxday Al-shabaab iyo xerooyinka barakacayaasha,” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xeerkan ayaa la sheegay inaanu quseyn goobihii ay uga jirtay nabadda, balse haddii ay soo gaadho nabad-darro inta lagu jiro muddada uu tilmaamayo isla xeerkan waxaa si toos ah uga dhaqangalaya xeerkan.

Ugu dambeyn qodobbada xeerkan oo ahaa sideed qodob ayaa waxaa lagu soo xidhay in xeerkani uu soconayo muddo saddex bilood ah si looga gudbo marxaladda adag ee uu dalka ku jiro, wuxuuna dhaqangalayaa laga billaabo maalinta uu ansixiyo Madaxweynaha Soomaaliya, laguna soo daabaco fariinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda Soomaaliya.