Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyey Guddiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay diyaarinta wada-hadallada

Muqdisho, 09 April, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay dawladdiisu soo dhawaynayso Guddiga Madaxweynaha Somaliland u magacaabay qaban-qaabinta wadahadallo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu sheegay inay wax lagu farxo tahay inay Somaliland iyo Soomaaliya dhawr iyo labaatan sano ka dib u diyaar-garoobeen in wadahadal dhexmaro. “Waxyaabaha dawladdu ka shaqaynaysa waxa ka mid ah wadahadallo lala galo Walaaleheenna Somaliland, waa wax lagu farxo dhawr iyo labaatan sano ka dib, inaynu wadahadalno,” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay Muqdisho.

Waxaanu Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waad Ogtihiin walaaleheenna reer Somaliland inay Guddi u magacaabeen wadahadallada Soomaaliya, waannu soo dhawaynaynaa, sidii aan hore u sheegnay annagu dhinacayaga diyaar baannu u nahay wadahadalladaasm dhakhsona waxaan u magacaabaynaa Guddiga wadahadalka. Aan wadahadalno waa aan heshiinno.”

SOMALILANDPOST.NET

Webmaster@somalilandpost.net