Madaxweynaha Soomaaliya oo ka badbaaday Isku-day Dil; Kooxda Al-Shabaab iyo Dawladda oo siyaabo kala duwan uga hadlay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ka badbaaday isku day lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen wefti madaxweynuhu hoggaaminayo oo ku sii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Dalkaasi Soomaaliya.

JIritaanka warkan iyo weerarka lala beegsaday weftiga madaxweynaha waxa siyaabo kala duwan uga hadlay Afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaas iyo afhayeen u hadlay madaxtooyada Somaliya.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu-Muscab, ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka AFP ku sheegay in Al-shabaab ay weerar ku qaadday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo marayay deegaan lagu magacaabo Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

“Weerar ayaan ku qaadnay gaadiid uu la socday madaxweyanaha Soomaaliya, waxaanan ku dilnay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaan dhaawacyo u geysannay xubnihii la socday,” ayuu afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab u sheegay AFP.

SoomaaliyaSheekh Abuu-Muscab oo sii hadlaya ayaa sheegay in laba gaadhi oo ka mid ahaa gaadiidka uu la socday madaxweynaha inay ku burburiyeen baasuukayaal ay la heleen, isagoo intaa ku daray in dagaal ka dhashay weerarka ay qaadeen uu weli socdo.

Dhinaca kale, Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa wefdiga madaxweynaha ee Marka gaadhay oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

“Ma jiro weerar gaadiidkii uu la socday madaxweynahu lagu qaaday, madaxweynaha iyo wafdigii la socday si nabadgalyo ah ayay ku gaareen degmada Marko,” ayuu yidhi Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in gaadhi ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marka uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Wefdiga madaxweynaha oo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan, ayaa gaadhay magaalada Marka, iyaga oo halkaas kula leh kulamo maamulka gobolka, kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa mid dhulka uu ku maray,  wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku tago meel ka baxsan magaalada Muqdisho.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa