Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka maxay iska yidhaahdeen Madax-dhaqameedkooda Somaliland ku sugan iyo Natiijada Kooxda Muqdisho ku laabtay?

Hargeysa (SLpost)- Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee soo dhisay dawladda Federaalka ah, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu kulankoodu ku soo beegmay ka dib markii ay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen qaar ka tirsan Madax-dhaqameed Soomaaliya ka yimi oo Arbacadii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen Madaxda Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Somaliland

somaliaOdayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland booqashada ku yimi Arbacadii hore, ayaa qayb ka ah Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Golahaas oo ka kooban 135 Oday Dhaqameed, waxaana la sheegay kulankaas ay shalay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka oo intii uu socday aan Warbaahinta loo ogolaan in lagaga wada-hadlay qodobbo kala duwan, kuwaasoo la filayo inay ka mid yihiin warbixinta Odayaasha ka noqday Hargeysa ay Golaha Odayaasha siiyeen.

Kulankaas oo ahaa Casuumad qado ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana kulanka Odayaasha iyo Madaxweynuhu yeesheen qaatay wakhti saacado ah, ka dibna Madaxtooyada ayaa Warkooban ka soo saartay, hase-yeeshee qaar ka mid ah Odayaasha ayaa iyaguna ka hadlay waxyaabaha ay Madaxweynaha ka wadahadleen oo ay sheegeen inay isla soo qaadeen qodobbo badan oo ku saabsan guud ahaanba xaaladda dalka, arrimaha siyaasadda, horumarinta, xidhiidhka dalalka jaarka iyo kuwa caalamka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

“Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay iney iska soo xulaan Guddi loo tabobbaro xallinta khilaafaadka iyo heshiisiinta bulshada, kaaso aqoon iyo khibrad ka soo qaadan doona qaabkii loo xalliyay xasuuqii ka dhacay waddammo ka mid ah Afrika. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odayaasha arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dhismaha aqalka sare (Gole Guurti), wuxuuna tilmaamay in arrintaas uu u gudbin doono Guddoonka Baarlamanka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War kooban oo kulanka Odayaasha iyo Madaxweynaha dhex-maray markii uu dhammaaday laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaa  Madaxweynaha Soomaaliya ugu yeedhay Odayaasha Dhaqanka, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay labaataneeyo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland yimi Arbacadii hore una badan intii ka socotay Beelaha Hawiye ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo ambabaxeen, ka dib markii ay kulammo la qaateen Odayaasha Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Dhinacyada ay Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi la kulmeen, ayaa guud ahaan u muujiyey sida ay reer Somaliland uga go’an yihiin hirgelinta gooni-isu-taaggooda 23-jirsaday iyo helitaanka aqoonsi buuxa oo ay ka sugayaan Soomaaliya iyo guud ahaan dawladaha kale ee caalamka.

SOMALILANDPOST.NET