Madaxweynaha Somaliya Oo Tagay jamarka Oo uu Shir Kaga Qabgalidoono

Munich(Slpost)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti ka tirsan dowladda ayaa maanta gaaray magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo lasoo gaadhsiiyey warbaahinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka qeyb gali doono shirka 52-aad ee amniga Munich (Munich Security Conference).

Shirka Munich ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgali doona illaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda iyo illaa 70 wasiirro arrimo dibadeedyo iyo difaaca ah.

Arrimaha ugu waa weyn ee diiradda lagu saarayo shirkan, ayaa waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha, madaxweynaha ayaa la filayaa in inta shirkan uu socdo uu hadal ka jeediyo, isagoo ka warami doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika guud ahaan.