Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo); Halyey Qaranimada Somaliland u dhaartay, Midnimana aan weligii afkiisa laga hayn

Eng Mohamed AliMarka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacabka xariirta ah ee reer So maliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal  Allaha awoodda leh ka baryayaa ,inuu dhammaant eenba ka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , xaqa  u hiiliya , Qabyaaladda iyo fool xumadeedana iska fogeeya.

Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), marnaba afkiisa lagama hayo Midi nimo Soomaaliyeed baan raadinayaa,Koonfur baan la midoobaynaa,balse wuxuu u dhaartay dalkiisa Somalila nd.Shaqsiyaadka Tanakadaha madhan garaacayaa ,miyaanay ogeyn in aan shaqsi keli ahi Masiirka umaddanijeebka ugu jirin,balse shacabka Somaliland ay yihiin kuwa keliya ee talo ka go’do.

Midda kale, bal aan wax is weydiine,ma xasuusteena kooban,mise arrinku waa halkii Salaan Carabaye:

* Dumarkuba xublada foosha, way xanaf wareeraane
* Balse inay xusuus daran yihiin, xaylka kale mooge.”

Waxaynu dhammaanteen,muxaafid,mucaarid,qurba joog & gole joogba markhaati ka wada nahay ,Telefishanada & Webesiteyadana aan ka wada daawanay, maalintii Madaxweynuhuu Xilka la wareegayey ,oo ku beegnayd  27 July 2010 ,ee  Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare  ,mudane Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane),uu  Kitaabka gacanta u saaray, uuna lahaa:

“Waxaan ilaahay ugu dhaartay,inaan u noqonaayo daacad diinta Islaamka,Dalkayga Somaliland,
dadkiisana ku maamulaayo sinnaan iyo cadaalad,inta aan xilka hayo,wa bilaahi tawfiiq,”

Waxaa iyana mudan in la xasuusiyo kuwa hadimada & hagar daamada ummada u horseedaya,khudbad sannadeedkii Dastuuriga ahayd ee ee 30 January 2013,u ka hor jeediyey labada Gole ee Guurtida & Wakiilada,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Maanta Somaliland loo war wari maayo, marxalado badan ayay soo martay,oo fulaygu
shakiyey ,sidaan horeba u sheegayna Boqol sanno haday  qaadanayso,Qadiyada Madax bannaanida
Somaliland waa Muqadas,waxaanan ku kalsoon ahay inaan si wada jir ah uga wada gudbi doono
caqab kastoo innaga hor timaada.”

Ummadi haddi aanay kala danbayn,is qadarin ,  madax iyo mijana kala yeelan weydo,waxba kama duwana Xoolaha
duur joogta ah .Ogobeey sideedabana, noloshu waxay ku qurux badan tahay, Dawladnimaduna qiimo ku leedahay , marka aad walaalkaa Guushiisu Guushaada noqoto, marka aad waxaad naftaada la  jeceshayay,aad walaalka la jeclaato,waana sida Diinteena suubani inna farayso. Qaran wuxuu bur buraa,talana faraha ka haadaa ,marka uu ku bato is khilaafku,Diinta  laga fogaado, aafada xasadkuna xakamaha goosato , Qabyaaladana ay  Diin & quud  maal meedkooda ka dhigtaan.Balse ma moog yihiin, in midhaha laga goostaa ay aad u qadhaadh yihiin,bulshadana ay dhaxal siiso colaad sokeeye & inuu cadawgoodu u midoobo,isuguna habar wacdo , ka dibna midba kelidiiWaraabu hu geed hoostii ku cuno,oo lafihiisa ku ruugo.

Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa ee Cabdillahi Suldaan Timacade,ayaa
tix uu tiriyey ayay ka mid ahayd:

* Garbaduub haddii loo xidhood, gaadhna ka ahaato
* Gacantii nin lihi goynayaa, waa gumudan taaye
* Nin walaalkii Geed ugu jiraa, Geesi noqon waaye

Maanta waa maalintii aynu Madaxweynaheena u hiilin lahayn,talo ku kordhin lahayn,mayse  ahayn inaynu ku baaq nno Shir doceedyo Qabyaaladaysan , oon  Geed walbba la hoos fadhiisanno,ama wixii gondaheenna yaallay in aynu Wadammo shisheeye  Madaxweynaheenna Dacwad kaga furnno,ka dibnna karamadeena ,Dawladnimadeena ,dad nimadeena & sharafteena dhulka la jiid jiido…Billa caleeg,taa waa laga fiican yahay, Geeridana waa loo dhashaa ,Gun nimana waa laga dhintaa !!!

Waxaan ku soo af meerayaa qormadaydan,Madaxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waa Halyey Qaranimada Somaliland  u dhaartay, Somali weyn & dib u Midaw danabana aan  afkiisa laga hayn.

Waxaan idinku dhaafayaa,naftayda & tiinana Allah uga baryayaa,inuu xaqa ku sugo,khaatimadana kheyr ugu khatimo.

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
13 March 2013