Madaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka Jaray Dib-u-casriyeyn lagu sameeyey Madaarka Caasimadda oo muddo Sannad iyo dheeraad ah Xidhnaa (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dib u furay Garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargaysa oo dib u casriyayn iyo balaadhin lagu sameeyey.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Madaarka caasimadda, ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyayaasha labada gole baarlamaan Md saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro),  Xubno ka tirsan Golaha wasiirada, Wakiillada dalalka shisheeyaha u jooga Somaliland, Marwada madaxweynaha Marwo Aamina X Maxamed Jirde, hawl-wadeenada xafiisyada hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ee ku sugan Somaliland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo madasha ka hadlay, ayaa ka xog-waramay marxaladihii ay soo martay hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeyga oo muddo sannad iyo dheeraad ah u xidhnaa hawsha dib-u-casriyeynta ah, iyada oo dhowr jeer dib-u-dhac ku yimi isla markaana muddo dhaafay wakhtigii loogu talo-galay in dib loo furo.

Md. Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in tallaabadani qayb ka tahay horumarkii looga fadhiyey xukuumadda xiligan xafiiska joogta, dhinac kastana ay ka muuqato isbedelka laga sameeyey ee muuqan kara sida Derejada ciidamada la siiyey.

Wasiirka wasaaradda duulistu waxa uu caddeeyey in dib u balaadhinta gegida diyaaraduhu ka haadaan ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuweit, xukuumadda Somaliland-na ay ku dartay qaybaha kale ee dhismayaasha cusubi ugu horeeyaan, isaga oo tallaabadaas ku sifeeyey mid markhaati ka ah meesha ay ku dambayso cashuurta laga qaado muwaadiniintu.

Md. Maxamuud Xaaashi Cabdi oo ka hadlayey qiimaha ay leedahay midnimo lagu galo hawl kasta oo dalku leeyahay, waxa uu sheegay inay lama huraan tahay in la isu dulqaato lana wada yeesho iskaashi dhinac kasta si loo gaadho hadafka la tiigsanayo loogana midho-dhaliyo himalada aasaasiga ah.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo munaasabadaas ka hadlay, ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo oo lagu faani karo dib-u-dhiska lagu sameeyey garoonka caasimadda ee Egal international Airport, waxaana uu halkaa ka ballanqaaday in xukuumad ahaan ay sii wadayaan dedaalada horumarineed ee uu madaarkaasi ka mid yahay

Madaxweynaha Somaliland waxa uu uga mahadnaqay dawladda Kuweyt doorkii ay ka qaadatay hawsha dib-u-balaadhinta gegida diyaaradaha, halka sidoo kalena uu wasaaradda Duulista iyo Hawada ku ammaanay sida ay uga soo baxday kaalinteedii waxqabad ee loo igmaday.

Waxa kale madasha ka hadlay Guddoomiyeyaasha labada Gole Baarlamaan, Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Wasiirrada wasaaradaha warfaafinta, Arimaha gudaha iyo wasiirka Arrimaha dibadda oo intii xafladdu socotay isagu ka soo degay garoonka diyaaradaha, isaga oo ka soo laabtay socdaal uu todobaadkii hore dabayaaqadiisii ku tagay dalka Kenya.

Gebo-gabadii, waxa uu madaxweyne Siilaanyo xadhig-ka-jaris ku sameeyey dib-u-casriyeynta iyo dib-u-dhiska lagu sameeyey Madaarka Caasimadda ee Egal International Airport.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net