Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Baahinta cusub ee War-laliska Cusub ee Radio Hargeysa oo Adduunyada oo Dhan laga dhegaysanayo (SAWIRRO DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhigga ka jaray Baahinta War-lalista cusub ee Radio Hargeysa oo loo keenay qalab cusub oo suurto galinaya in adduunweynaha laga dhagaysto.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka Idaacaddan oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta, waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin badan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa.

SAWIRRO DAAWO.