Madaxweynaha Somaliland oo War ka soo saaray Xaaladda Ceel-Afweyn iyo Korneyl Caarre

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad  iyo yididiilo badan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil dalka ku keenayso gaadiid casri ah, ayaa bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda.

 

 

“Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye, maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka werwer la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha oo ka hadlayey xalka colaadda u dhexaysa Beelaha Ceel-Afweyn iyo Jabhadda Korneyl Caarre.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nt