Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Suldaan-kii guud ee beesha Ayuub oo Xalay ku geeriyooday Magalada Hargeysa.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

u_106884d_2013-8-3-11-43-42f_tacsi siilaanyo

TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid SULDAAN DAAHIR SULDAAN AMIIN SULDAAN FAARAX oo Xalay ku geeriyooday 03/08/2013 Dhakhtarka Hargeysa laguna aasay maanta Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday qaran oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL