Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u Diray Ehelkii Iyo Qaraabadii uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Khaawi oo ku geeriyooday Maraykanka.

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED MAXAMUUD KHAAWI oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii, wax-garadkii iyo aqoon-yahankii sida weyn uga soo shaqeeyey nabad-gelyada iyo walaalnimada beelaha Somaliland, waxa uu ka mid ahaa dadka tusaalooyinka waxtarka leh ummada u sheega ee ku dayashada mudanaa.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Eheladii, Qarabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.